Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wakiilo ka socday QM oo gaaray degmo 13 sano gacanta ugu jirtay Al-Shabaab

Wafdi ka socday hey’adaha QM ee ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka iyo gargaarka ayaa maanta gaaray magaaladda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waxaa hogaaminayay Xildhibaan Maxamed Buraale iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore, iyadoo degmada Maxaas ay ku soo dhaweeyeen Maamulka degmada iyadoo kadib kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka magaaladaasi.

Ujeedka Wafdigaan ayaa ahaa sidii kormeer ay ugu sameyn lahaayeen nolosha dadka deegaanka iyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xarumaha dowladda ee ku yaala magaaladaas iyo ceelashii biyaha ee dhawaan ay gubeen Al shabaab.

Waa Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda hey’adaha caalamiga ah iyo saxibada Soomaaliya ee gaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii deeganada ku dhow dhow iyo wadooyinka gala magaaladaasi laga saaray Al shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka dhacday Magaalada Stockholm

Caydiid Ali

Madaxtooyadda Somaliland oo War kasoo saartay Iskaashiga ay la yeelaneyso Mareykanka

Cabdi Cade

Taliban oo go’aan ka soo saartay ajaaniib ay ku jiraan Maraykan oo weli ku xaniban Kabul

Caydiid Ali
Taboola Ads ---