Allbanaadir.com
NEWS

Sanduuq Dhaqaale uruurin ah oo loo furay arday Waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigay sanduuq Dhaqaale uruurin ah oo loo furay ardaydii waxyeelada  kasoo gaartay qaraxii 28-bishii Decembar ee sanadkii 2019-kii ka dhacay isgooska Ex-control Afgooye ee Muqdisho.

Qaraxaas waxaa uu haleeyey ardey ka tirsan Jaamacada Banaadir oo markaa saarnaa basas una socdey Jaamacada, iyadoo 15 ardey ku dhinteen , 19 kalena aay ku dhaawacmeen.

Jaamacada Banaadir, ayaa waxaa u guntatay sidii ardeysaas loo caawin lahaa, iyadoo u qorsheesey in ardeyda la siiyo waxbarasho lacag la’aan ah ardeydii dhaawacantay iyo bedelka kuwii dhintayba, iyadoo waalidiintii ardeyda dhimatay dhalay loo sheegey ineey ardey kale keensadaan kuwaasoo Jaamacada lacag la’aan looga dhigayo.

Jaamacada waxaa aay furtey sanduuq dhaqaale loogu uruurinayo ardeydaas, waxaana noqdey cidii ugu horeeysey ee kasoo jawaabta Hey’adda Hormuud Salaam Foundation, iyadoo ugu deeqdey $20,000 ( labaatan kun oo dollar)

Deeqo Cismaan Xaashi iyo Aamiino Maxamuud Axmed oo kamid ah ardyadii ku dhaawacmay qaraxii Ex-control Afgooye ayaa ugu mahadceliyey masuuliyiinta Hay’adda Hormuud Salaam Foundation garab istaaga ay u muujiyeen.

Hooyo Barni Maxamed Sheekh oo kamid ah waalidiinta carruurtooda waxyeelada kala kulmay qaraxa ayaa dhankeeda sheegay in wax la siisto aysan jirin sida walaaltinimada leh ee loo caawiye iyadoo dhiban waxayna u mahad celisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation.

Guddomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahu Nuur Cismaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay aamisan yihiin in taakulooyin ay bixiyaan ay tahay mid waajib ku ah xag Soomaalinimo iyo xag diiniyanba, isagoona shaaciyey cadada lacag ay ugu deeqeen sanduuqa taakulada ardaydii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii Ex-Control.

Prof Maxamed Max’uud Xasan Bideey oo ah Guddomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in loo bahaan yahay in lagu daydo Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, waxaana uu ku baaqay in dadka kale ee wax heysta ay ka qeyb qaataan garab istaaga ardaydan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ka tirsan Afrika oo qarka u saaran inuu ka dhaco xasuuq la mid ah kii Rwanda

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Espen Barth Eide

Cabdi Cade

Ciidamada Eritrea oo weerar culus ku qaaday Tigrey iyo Jabhada TPLF oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---