Doorasho natiijada kasoo baxeysa lasii qorsheeyay oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Waxaa maanta oo arbaco ah magaalada Jowhar ee caasimada Dowlad goboleedka Hirshabelle lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabelle iyo Kuxigeenkiisa.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar ayaa ah mid aan xiiso laheyn lana sii ogyahay natiijada kasoo baxeysa, doorashadan ayaana laheyn hadal heyn badan iyo micno gooni ah marka loo eego doorashooyinkii horey u dhacay.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa loo qorsheeyay in loo doorto Cali Guudlaawe , waxaana la tartamaya musharax maqaar saar ah oo la sheegay in lacagta diiwaan galintaba uu ka bixiyay cali Guudlaawe.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka  maamulka Hirshabelle la filayaa in loo doorto Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaa isna la tartamaya musharax kale oo maqaar saar ah oo loo diyaariyay.

Doorashada Hirshabelle Gudoonka Baarlamaanka ilaa Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa laga qorsheeyay Villa Soomaaliya iyo taliska NISA, waxa ayna sheekada u dhamaan doontaa sidii horey loogu qorsheeyay.

Villa Soomaaliya ayaana hogaanka Hirshabelle geesatay ugu tala gashay in ay uga gudubto xiliga doorashada una hesho Xildhibaanada labada aqal ee lagu soo dooran doono deegaanada maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -