Dowlada Itoobiya oo shaacisay tirada Ciidamada ay ka dileen Tigrey hanjabaad culusna dirtay

Dowlada federaalka Itoobiya ayaa guulo waa weyn ka sheegatay dagaalka ay kula jiraan xoogaga taabacsan xisbiga (TPLF) ee ka taliya gobolka Tigrey, xili dagaalka labada dhinac u dhaxeeya kusii fidayo goobo hor leh.

Warbaahinta dowlada Itoobiya ayaa baahisay in ciidamada federaalka Itoobiya ku dileen dagaalka ka socda gobolka Tigrey in ka badan 500-askari oo taabacsan ismaamulka Tigrey ee dagaalka kula jira dowlada Federaalka ee Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in guulo ka gaartay dagaalka ka socda gobolka Tigrey, waxa ayna dowlada ku hanjabtay in howlgalka sii socon doono ilaa laga bur buriyo hubka waa weyn  ee gacanta ugu jira xoogaga Tigrey.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Redwan Hussien, ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada hor maro ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan xoogaga Tigrey, waxa uuna sheegay in dagaalka socon doono ilaa laga bur buriyo hubka culus ee gacanta ugu jira xoogagga daacadda u ah TPLF.

Waxa uu sheegay Afhayeenka dowlada Itoobiya in ay doonayaan in soo badbaadiyaan shaqsiyaad gacanta ugu jira xoogagga Tigreeda, islamarkana gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii fuliyay weerarka lagu laayay ciidamo katirsan milatariga Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga taabacsan Isbaheysiga TPLF ee ka arimiya gobolka Tigrey ayaa dhaliyay khasaaro aad u badan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka sii faafo uuna dhaliyo khasaaro mug weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -