Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo dacwad ka dhan ah guusha Biden geeyey Maxkamada sare

Afhayeenka Aqalka cad ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Donald Trump uu dacwad ka dhan ah guusha Joe Biden geeyey Maxkamada sare ee Maraykanka.

Waxay jeedisay eedo ay ku sheegtay in doorashada la muqsuqmaasuqay, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya in doorashada la khiyaamay, ayna saameysay natiijada doorashada ka soo baxday.

Trump, oo ahaa musharraxa xisbiga Jamhuuriga ayaan weli oggolaan natiijada doorashada ka soo baxday.

Donald Trump ayaa markale Isniinta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray arrin dood ka dhalisay natiijada isaga oo ku andacooday sheegashooyin aan la xaqiijin oo ah “ficil aan macquul ahayn oo sharci darro ah codbixinta la xiriira inay dhacday”.

Maamulka adeegga guud ee maamulo hay’adaha Federalka ee dalka Mareykanka, ayaa hakad gelisay in loo oggolaado kaaliyeyaasha Biden iney toos u billaabaan howlaha kala guurka ee xilka uu kula wareegayo, madaama weli aan si rasmi ah loo hubinin qofki ku guuleystay doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo xil sare u magacaabay Siyaasiga C/raxmaan Baadiyow (Akhriso)

Caydiid Ali

Yaa ka Dambeeyay weerar lagu qaaday Markab Xamuul oo leedahay dowlada Iran ?

Cabdi Cade

Hirshabelle oo Shaacisay Qabashada doorashada iyo habraaceeda labo kursi oo cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---