Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo shacabkeeda u fasaxday isticmaalka xashiishka

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Canada ayaa cod ku ansixiyey in la sharciyeeyo in xashiishadda ay dadku u cabbi karaan si faakihaysi ah.

Sharcigaas oo ay soo bandhigtay xukuumadda haatan talada haysa ee Liberal-ka ah ayaa waxa lagu meel mariyey 205 cod halka ay 82 xildhibaan oo keli ahi diideen. Sharcigan waxa dhaqan galkiisa ka horreeya ansixinta Aqalka Sare oo loo gudbin doono.

Aqalka Sare ma hor istaagi karo sharcigan balse dib ayuu u dhigi karaa.

Haddii Canada ay sharciyayso waxay noqon doontaa dalkii koobaad ee xubin ka ah ururka G7 ee ay ku midaysan yihiin toddobada dal ee hodanka ah ee xashiishadda sharciyeeya.

Balaayiin doolar oo xashiishad ah ayaa lagu kala gataa Canada sannadkii, haddii la sharciyeeyana malaayiin doolar oo canshuuro ah ayaa la rajaynayaa in laga helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo gaaray Adis Ababa kana qeyb galaya Shir Saddex Geesood ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Kenya Maxaa ku Kalifay Inay Gacan Siiso Cabdirashiid Janan ?

Cabdi Cade

Khilaaf Hareeyay Vill Somalia iyo Agaasime Fuursade oo si lama filaan ah shaqada uga tagay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---