Khayre: “Sax maaha in ciidanka amnigu qeyb ka noqdaan guddiyada doorashooyinka”

RW hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ahna musaharax u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa talaabo qaldan ku tilmaamay in ciidamada amaanku lagu soo daro arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu ka mid ahaa musharaxiin maanta soo saaray qoraal ka dhan ah guddiyada doorashooyinka heer federaal ee dowladu magacowday.

Hoos ka akhriso qoraalka Khayre oo dhameystiran.

Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21” taasoo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.

Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -