Meydka qof ajnabi ah oo laga helay xeebta degaan ka tirsan Puntland

Meydka qof la sheegay inuu yahay Ajnabi ayaa ku soo caariyey xeebta Magaalada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Maamul goboleedka Puntland.

Maydka qofka la helay ayaa gacmaha iyo lugaha ka xirnaa sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah ku sugan degmadaas, kuwaasoo arkay meydka soo caariyey.

“Markii maydkiisa la helayay waxaa uu dulsaarnaa Naxash laga sameeyay loox, waxaana jirkiisa ku duuduubnaa xarig loogu talo galay in uusan naxashka dhex bixin” ayuu yiri qof ka tirsan dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta.

Meydkan ninkan ayaa la sheegay inuu muddo badan ku jiray biyaha badda jirkiisa qeyb ahna la aqoonsan waayay, sida madaxa.

Dadkii arkay waxay sheegayaan in qofkan ay u badan tahay inuu ahaa kalluumayste kasoo jeedo wadamada Koonfurta Asia sida Thailand, Philippines, Vietnam ama Indonesia.

Maamulka degmada Eyl ayaa sheegay inay dilka qofkan ajnabiga ah ku tuhunsan yihiin kooxaha xeebaha Puntland ku wada kalluumaysiga sharci darrada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -