Haween iyo caruur ka tirsanaa hal qoys oo lagu laayey degaan hoos taga Sh/dhexe

Maleeshiyo hubeysan ayaa la sheegayaa iney caawa dil iyo dhaawac ugu geysteen gobolka Sh/dhexe qoys ka koobnaa shan ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Falkan ayaa ka dhacay degaan ku yaalla miyiga degmada Warshiikh sida ay ku waramayaan ilo wareedyo kala duwan iyo masuuliyiin ka tirsan gobolka.

Hooyo Umul ku jirtay, ilmo yar oo afartan cisho dhalan iyo wiil 3 sano jir ah oo ay dhashay ayaa meel qura lagu dilay ka dib markii rasaas lagu furay.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in weerarkaas lagu dhaawacay haweeney kale oo ka tirsaneyd qoyska iyo wiil shan sano jir oo ay dhashay.

Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen, iyadoo wararku intaas ku darayaan in falkan uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhexeysa beelo wada dega nawaaxiga degmada Warshiikh.

Xiisad ka dhalatay weerarkan ayaa la soo sheegay iney ka aloosan tahay degmada Warshiikh, iyadoo laga cabsi qabo iney dhacaan falal aargudasho ah iyo dagaalo dhexmara labada beelood oo marar badan heshiisyo la dhex dhigay balse ku fashilmay iney dhaqan geliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -