Ciidamada Azerbaijan oo guul weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan Armenia

Shacabka reer Azerbaijan ayaa u dabaaldegaya kadib markii Madaxweyne Ilham Aliyev uu Axadda maanta ah sheegay in ciidamada dalkiisu ay qabsadeen magaalada Shusha, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Nagorno-Karabakh, laakiin saraakiisha Armenia ayaa beeniyay in magaalada la qabtay.

Iyadoo taageero ka heleysa Turkey, Azerbaijan ayaa ku gacan sareysay dagaalkii ugu dhiig daadashada badnaa in ka badan 25 sano ee ka dhaca gobolkan Koonfurta Caucasus. Muddo bil gudaheed ah, waxa ay dib ula wareegtay inta badan dhul ku yaalla Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigiisa ee ay ku wayday dagaalladii hore ee ka dhacay aagaas 1990-yadii.

Magaalada Shusha oo ay Armeniyiinta ugu yeeraan Shushi, waxay labada dhinacba u leedahay muhiimad dhaqameed iyo mid istiraatiiji ah waxayna ku taal meel 15km  koonfur ka xigta magaalada ugu weyn ee gobolka ee Stepanakert.

Qiyaastii  kun qof ayaa ku dhintey ku dhowaad lix toddobaad oo dagaal uu ka socdo gobolka Nagorno-Karabakh iyo hareerahiisa, oo ah dhul buuraley ah oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin ay ku nool yihiin ayna xukumaan qowmiyada Armenia ka soo jeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -