Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Muqdisho oo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dil geysan rabay

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al-shabaab iyo bastoolad uu ku hubeysnaa.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in xiiiga la qabanaayey ninkan uu damacsanaa inuu degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho dilo askari ka tirsan ciidanka ilaalada degaanka Xamar.

Afhayeenka ayaa xubinta la qabtay magaciisa ku sheegay Muxsin Cali Mustaf.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Degmada Wadajir gacanta ku soo dhigay Eedeysane Khawaarij Muxsin Cali Mustaf ina Hooyo Iisho Mukhtar Cali iyo bastooladiisa, oo maanta 09:50 barqanimo xili uu ku howlanaa inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Degaanka Xamar” ayuu yiri Afhayeenka.

Sadiiq Doodishe faahfaahin kama bixinin qaabka uu dhacay howlgalka lagu soo qabtay xubintan ka tirsan Al-Shabaab iyo sida ay ku suuragashay soo qabashadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Shaaciyay in NISA iyo Al Shabaab isku milmeen digniina u diray Xildhibaanada

Cabdi Cade

Ku dhowaad kun qof oo ku naf waayey Roobab iyo daadad ku dhuftay dalka..(Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo gaaray deegaanno ku dhaw Jilib iyo Shabaab badan oo la dilay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---