Qoyska Caa’isha Ilyaas oo cabsi iyo Cadaalad daro uga guuray magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaaladaasi ay isaga guureen qoyskii ay ka dhalatay gabadhii yareyd ee kufsiga iyo dilkii foosha xumaa loogu geestay Waqooyiga Gaalkacyo.

Sida aan Wararka ku helnay Qoyskan Caaisha Ilyas ayaa uga guuray magaalada Gaalkacyo cabsi iyo cadaalad daro, waxaana xubno kamid ah qoyska sheegeen in cabsi lasoo daristay caruurta kale ee qoyska.

Aabaha dhalay  Caa’isha Ilyaas ayaa sheegay in qoyskiisa isaga guureen magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sheegay in reer Gaalkacyo ay noqdeen daris xun oo dhibaateeyay qoyskiisa hiilna ka waayeen.

Qoyskan Gaalkacyo isaga cararay ayaa la sheegay in ay u guureen dhinaca Galdogob, waxa ayna arintan ay noqotay mid si weyn ay u hadal hayaan dadka ku dhaqan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Hooyada Dhashay Caaho Ilyaas oo dhawana Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in aysan wali helin cadaalad, waxa ayna xustay in maamulka Puntland ku guul dareestay in cadaalada mardsiiyaan dadkii gabadheeda dilay oo ay sheegtay in la yaqaan.

Maamulka Puntland ayaan wali cadaalada horgeyn dadkii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii foosha xumaa ee loo geestay Caasho Ilyaas oo aheyd gabar 13-sano jir, waxaana falkaasi uu ahaa mid gubay quluubta dad badan oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -