Q/Midoobay oo War kulul ka soo saartay shaqaale maanta lagu dilay Muqdisho

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka dhallaanka ee UNICEF ayaa cambaareysay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray madaxa UNICEF ee Soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay ka argagaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasoo shaqo ku jiray.

“Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahan yihiin gaarsiiyaan caruurta nugul” ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay, iyadoo intaas ku dartay iney la qeybsaneyso murugada iyo tiiraanyada.

“Weerarada ka dhanka  ah  shaqaalaha gargaarka waxay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga” ayaa lagu yiri qoraalka

Qoraalka waxaa lagu sheegay in UNICEF ay ay si weyn uha xun tahay weerarkaas ayna ka codsatay dowlada Soomaaliya baarintaan buuxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -