Wasiir Sabriye oo diiday in uu Xilka ka qaado Gudoomiyaal Degmo iyo R/W Kheyre oo ka carooday

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu ka biyo diiday qorshe la doonayay in xilka looga qaado qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

Wasiir Sabriye ayaa loo geeyay Liis dheer ay ku qoran yihiin Gudoomiyaal Degmo oo xilka laga qaadayo iyo kuwii lagu bedeli lahaa, Wasiirka ayaana ka biyo diiday in uu xilka ka qaado Gudoomiyaasha iyada oon la cadeyn sabab rasmiga ah ee xilka looga qaadayo.

Sida xogta ku heleyno Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo magacyada Gudoomiyaasha la magacaabayo xafiiskiisa lagu soo diyaariyay ayaa si deg deg ah ula xariiray Wasiirka kuna amray in uu sameeyo xil ka qaadista iyo magacaabista Gudoomiyaasha Degmooyinka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa la sheegay in uu ka dhaga adeegay amarka Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna meel iska dhigay Warqada ay ku qornaayeen magacyadii loo soo gudbiyay ee xil ka qaadista iyo magacaabisa Gudoomiyaasha Degmooyinka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ka carooday amar diidada uu ku sameeyay Wasiirka Arimaha Gudaha, waxa uuna Kheyre qaaday talaabo kale oo xilka looga qaadayo Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir kuwa cusubna lagu magacaabayo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in R/Wasaaraha ku wargaliyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu shaqo ka joojin ku sameyn karo Gudoomiyaashii la qorsheeyay in xilka laga qaado sidoo kale uu ku simayaal u magacaabo Gudoomiyaal cusub.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusimayaal Gudoomiye Degmo loogu magacaabay Degmooyinka Hodan iyo Waabari, wareegtada lagu magacaabay Gudoomiyaashan ayaana lagu cadeeyay in ay yihiin ku simayaal.

 

Kheyre ayaa la sheegay in uu wado qorshe uu xilka uga qaadayo Wasiirka Arimaha Gudaha oo mudooyinkii dambe ay isku dhacsanaayeen, waxaana suurto gal ah in Wasiirka lagu qasbo kabor inta aan xilka laga qaadin magacaabista Gudoomiyaasha Degmooyinka.

Wasiir Sabriye ayaa hadii uu ku adkeesto in uusan xilka ka qaadin Gudoomiyaasha Degmooyinka waxaa Gudoomiyaha Gobolka Shaqo joojin ku sameyn doonaa Gudoomiyaasha hada shaqeeya, isagoona magacaabaya ku simayaal si rasmi ah loo magacaabi doono marka xilka laga qaado Wasiir Sabriye ama laga xalinayo khilaafka jira.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in xafiiskiisa laga soo magacaabayo Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana inta badan Gudoomiyaasha la siinayaa Xildhibaano qeyb libaax ka qaatay ridistii Jawaari.

Khilaafka u Dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaan aheyn mid hada soo bilowday, waxaana la sheegay in bilihii ugu dambeeyay uu xumaa xiriirka Kheyre iyo Sabriye marar badana isku dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -