Arday dhigata Jaamacad ku taalla Kenya oo lacag fara badan ka xaday Banki

Labo arday oo jaamacad dhigta ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay jabsadeen banki ku yaalla Kenya.

Sida uu shaaciyay wargeyska Daily Nation, ardaydan la ogaaday iney dhaceen malaayiin shilinka Kenya ah

Ardaydan oo dhigta kulliayadda Beeraha iyo Teknolojiyadda ee Jaamacadda Jomo Kenyatta, oo ku taalla bannaanka magaalada Nairobi ayaa lagu eedeeynayaa inay xadeen 24 milyan oo shilinka Kenya ah. una dhiganta ($220,000) .

Dacwad Oogayaasha ayaa sidoo sheegay in ardaydan ay doonayeen dhacaan 190 milyan oo kale, iyadoo arrintan ayaa la sheegay inay dhacday bishii la soo dhaafay, lamana faahfaahin qaabka ay lacagtaas u dhaceen.

Labada arday oo lagu magacaabo Antony Mwangi Ngige, oo 23 jir ah, iyo Ann Wambui Nyoike oo 21 jir ah, ayaa beeniyay eedeymaha, xili maanta la soo taagay Maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -