Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax Masuuliyiin lala beegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka Siinka Dheer ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo looga tagay agagaarka Siinka Dheer, gaariga ayaana qarxay markii goobtaasi gaareen Gudoomiyaha degmada Kaxda iyo xubno la socday.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaalada Gudoomiyaha degmada Kaxda iyo dad kale oo ka agdhawaa, waxaana dhaawacyada dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan la keenay isbitaalo kuyaala Muqdisho.

Gaarigan qarxay ayaa la sheegay in ay wateen dabley hubeesan kuwaa oo goobta uga tagay kadib markii ay dileen Gudoomiyaha xaafada Shanaad ee Siinka Dheer ee degmada Kaxda, waxa ayna kooxdan horey usii qaateen gaari uu lahaa gudoomiyaha la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yamamoto oo looga yeeray Washignton si uu u gudbiyo liiska dadka diidan Doorashada Somalia

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Weerarkii Ceel Saliini iyo Ciidamo Nolol ay ku qabteen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo Oo Noqday Sababta Dagaalka Galmudug iyo Sirta Qoor Qoor Oo La Kashifay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---