Yamamoto oo looga yeeray Washignton si uu u gudbiyo liiska dadka diidan Doorashada Somalia

Dowlada Mareykanka ayaa cadaadis xoogan ku saareysa hogaamiyaasha Soomaalida qabsoomida doorasho xor iyo xalalaal ah, waxa ayna taa badalkeeda Mareykanka damacsan yahay in talaabo ka qaado dadka qatarta ku ah qabsoomida doorashada.

Safiirka Dowladda Maraykanka ku fadhiya Soomaaliya Amp  Donald Yamamoto, ayaa looga yeeray in uu yimaado magaalada Washigton si wax looga weediiyo xaalada Soomaaliya gaar ahaan dadka khatarta ku ah qabsoomida doorashada.

Yamamoto ayaa shalay ka sheegay shir ay yeesheen Beesha Caalamka iyo Ra’isul Wasaare Rooble in looga yeeray caasimada Mareykanka si uu warbixin uga siiyo dowlada dadka ka shaqeenaya in ay dib u dhigaan doorashada khatarna ku ah amaanka Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Maraykanka ku fadhiya Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka digay in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya , waxa uuna cadeeyay in dowlada Mareykanka diyaar u tahay in ay taageerto qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo Soomaaliya ka dhacda.

Dowlada Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay in talaabooyin ay kamid yihiin xayiraad kusoo rogi doonto hogaamiyaasha Soomaalida ee loo arko in khatar ku yihiin amaanka Soomaaliya kana soo horjeeda in doorasho dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -