Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

France u yeertay danjirihiisa Turkiga iyo xiisada labada dal cirka isku shareertay

Dowlada Faransiiska ayaa wadatashi ugu yeeray safiirka u fadhiya Turkiga, kadib markii uu Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan hadallo xanaf leh ku weerarray dhiggiisa Emmanuel Macron.

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah.

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha dibeda ee Faransiiska ayaa sheegay in Erdogan uu u dhaqmay si aan la aqbali karin oo xushmad darro ah

Labada hogaamiye ee dalalkoodu ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in Taageerayaasha Farmaajo ka halis badan yihiin Covid-19

Cabdi Cade

RW Khayre oo galabta lagu soo dhoweeyey degaanada Huurshe & Xeraale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in masuul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir isku dhiibay Al Shabaab ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---