Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in Taageerayaasha Farmaajo ka halis badan yihiin Covid-19

Qoraal maanta lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ay ugu talo gashay wararka xanuunka Covid-19 ayaa lagu weeraray taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaan CBB.

Waxaa qoraalkan lasoo dhigay ciwaanka Twitterka ee @SomaliaCovid19 oo inta badan la dhigo warbixinada xanuunka Covid-19 ee soo saarto wasaarada caafimaadka, waxaana qoraalka lagu sheegay in taageerayaasha Farmaajo ka halis badan yihiin Covid-19.

“Mowjadda labaad ee ee CBB waxay ka khatar badan tahay Corona Viris. Fadlan ka fogow Twitter Space.” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga hoostaga Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa markii dambe laga saaray bogga Twitterka @SomaliaCovid19 , mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan ay kasoo saartay wasaaradda caafimaadka xukuumada Soomaaliya.

Arintan ayaa imaaneysa xili xalay Twitter Space ay ku shireen taageerayaal jidbeesan oo si weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo kuwaa ay ku jireen dad si weyn loo yaqaan sida Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo Cabdiwahaab Bursaliid.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Biixi oo tagay Deegaan Xeebeed la sheegay in Al Shabaab hubka kala soo degi jireen

Cabdi Cade

Fashilka Wasaarada Waxbarashada Maxaa Sabab u ahaa, Maxaasa la Gudboon Wasiir Goodax?

Cabdi Cade

Dal Afrikaan ah oo Canshuur kusoo rogaya dadka isticmaala baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---