Maareeye oo eedeyntii ugu horeysay u jeediyey Xukuumada Raisul Wasaare Rooble

Wasiirka hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ayaa ku eedeeyay wasiirro ka tirsan Xukuumada Raisal Wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa inay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka Somaliland.

Maareeye oo xubin ka ah guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in wasiiradda u yimid uu mid walbaa wato liis u gaar ah uu ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

“Xukuumada RW Rooble yaaney u maleyn in doorashada xubnaha Somaliland ay tahay kooto baylah ah oo iyadu ay maamusho” ayuu yiri wasiir Maareeye oo hadal ka jeedinayey kulan ay iskugu yimaadeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad ka soo jeeda Somaliland.

Wuxuu sheegay isaga iyo xubno siyaasiyiin ah inay raisal wasaaraha ka codsadeen in aan lasoo faro galin doorashada xildhibaanada ka socda Somaliland ee Muqdisho lagu qabanayo.

Maareeye oo ka mid ah Wasiiraddii ku dhowaa Madaxweyne Farmaajo ee iska waayay liiska Xukuumada cusub ayaa hadda dedaal ugu jira in mar kale loo doorto kursigiisa xildhibaanimo ee baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -