Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Dayuurad siday boqol qof oo ku burburtay Magaalada Almaty

Dayuurad ay la socdeen boqol qof ayaa ku burburtay dalka Kazakhstan, waxaana la xaqiijiyey illaa hadda ugu yaraan dhimashada sagaal qof.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas diyaaradda Bek Air ayaa soo dhacday wax yar kaddib markii ay saaka ka duushay garoonka Almaty.

Weriye goobta ka agdhowaa ayaa sheegay in qiiq uu daboolay halka ay diyaaraddu ku dhacday. Maamulka garoonka ayaa sheegay inay jiraan dad badbaaday.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa haatan halkaasi ku sugan, iyadoo guddi gaar ah loo saari doono baaritaanka waxa sababay burbruka, iyadoo Madaxweynaha Kazakhstan Qasym-Jomart Toqayev ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday musiibadaas.

Diyaaradda oo ka timid Almaty, oo ah magaalada ugu weyn Kazakhstan, ayaa ku socotay caasimadda dalkaas ee Nur-Sultan. Waxa sababay burburka diyaaradda ayaanan weli la ogeyn.

Garoonka Almaty ayaa sheegay in 95 rakaab ah iyo shan shaqaale ah ay saarnaayeen diyaaradda, Wuxuu sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay xakamaha lumisay abbaarihii 07:22 xilliga dalkaas kahor inta aysan ku dhicin dhisme labo dabaq ka koobnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqo joojin lagu sameeyay masuuliyiin jabiyay amar looga hortagayay faafida Covid-19

Cabdi Cade

Puntland oo digniin ka soo saartay dibad-bax saaka laga abaabulayo Boasaaso

Caydiid Ali

Itoobiya oo eedeyn cusub u jeedisay garab ka mid ah TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---