Hooyo Soomaali ah iyo 5 caruurteeda ah oo lagu amray iney ka baxaan dalka Norwey

Hay’ada soo galootiga u qaabilsan dalka Norway ee UDI ayaa Hooyo Soomaaliyeed iyo shan caruur ah oo ay dhashay ku amartay iney dalkaas iskaga baxaan

Hooyadan Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyey inay been ka sheegtay dalka ay ka soo jeedo.

Sanadkii 2004 ayay aheyd markii hooyadaan iska dhiibtay Dalka Norway waxana xiligaasi kadib ay wadanka ku dhashay shan caruur ah oo midka ugu yar uu hadda jiro 2 sano halka kan ugu weyn ay dadiisa tahay 9 sano.

Hooyadan oo ku nool Magaalada Skien ee Gobolka Telemerk ee Dalka norway ayaa lagu eedeeyay in ay isku dhiibtay macluumaad qalad ah, iyadoo dood dheer iyo baaritaan kadib ay ogolaatay inay kasoo jeedo dalka Jabuuti.

Maxkamada horteeda ayay ka cadeysay in Sababo jiro dartii ay iskugu dhiibtay iney ka soo jeedo Soomaaliya isla markana Baasaboorka Somaliga uu ka iibsaday nin Muqalas ah.

Booliska dalka Norway ayaa dalbaday in 120 maalmood la xiro hooyada maadaama ay been u sheegtay Hay’adaha Dowlada balse Maxkamada ayaa kasoo horjeesatay xukunkaas.

Hooyada ninkeeda iyo Caruurta shanta ah ayaa amar lagu siiyey iney dalka Norway ka baxaan dibna ugu laabtaan Jabuuti waxaana loo raaciyay inaysan dib ugu soo laaban karin Norway.

Hase ahaatee qoyskan waxay racfaan ka qaateen go’aankaas  maadaama Hooyadan oo 36 jir ah ninkeeda uu ka tirsan yahay mucaraadka Dalka Jabuuti dhibaatana ay kala kulmi karaan hadii ay ku laabtaan dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -