C/raxmaan C/shakuur: “Waa wax laga naxo in Wasiir laga dhigo C/qaadir Max’ed Nuur (Jaamac)”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyey inta badan xubnaha golaha cusub ee Wasiirada oo caawa uu ku dhawaaqay RW Rooble.

“Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Dhinaca kale, C/raxmaan C/Shakuur ayaa ka soo horjeestay xubin ka tirsan golaha cusub ee Wasiirada.

“Waxaa arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Disembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Waxaa uu ugu baaqay RW Rooble inuu arrintan go’aan deg deg ah ka qaato, iska fogeeyo shaqsiyaad uu ku sifeeyey in diiwaankoodu madow yahay.

“Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -