Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gabar Sagaal sano jir ah oo lagu fara xumeeyey degaan ka tirsan Sh/Dhexe

Askari ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Raage-ceelle ee Gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay in uu kufsaday gabar 9 sano jir ah sida xaqiijiyeen waalidiinta Gabadha la kufsaday.

Gabadha oo sidoo kale si daran loo jirdilay ayaa la keenay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo sida la sheegay dhiig baxaysa, xaalad adagna ku jirta.

Hay’ada Dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID-da iyo Isbitaalka Madiina ayaa la sheegay in ay xaqiijiyeen kufsiga Gabadha.

Ehelada Gabadha lagu kufsaday Raage-ceelle ayaa dalbaday inay caddaalad hesho Gabadhooda, iyagoo xusay in Askarigii tacadiga u geystay Gabadhooda uu galay xarunta Maamulka degmada Raage-ceelle, aysana jirin cid ka gacan siisay soo qabashada Askarigaas.

Falkaas ayaa ka dhacay guri ka soo horjeeda xarunta Maamulka degmada Raage-ceelle ee Gobolka Sh/dhexe, Saraakiisha gobolka ayaa xaqiijiyay inay ka war heleen Kufsiga Gabadha yar, waxayna intaas ku dareen in askarigii falkaas ka dambeeyay oo baxsaday lagu raad joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo la kulmay Musharaxiintii uu kaga guuleystay doorashada (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay Dagaalkii ka socday Muqdisho iyo dowlada oon wali ka hadlin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---