Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumada Kheyre oo…

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay socdaan wadatashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabista golaha Wasiirada xili maanta 30-maalin u buuxsatay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxtooyada waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan ku yeeshay madaxda dalka ugu sareysa sida Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaare Rooble kuwaa oo ka tashanayay magacaabista golaha Wasiirada iyo xubnaha loo soo xulay.

Sida aan wararka ku helnay inta badan waxaa diyaarsan magacyada Wasiirada cusub ee kamid noqonaya Xukuumada Ra’isul Wasaare Rooble  , waxaana wasiirada hada lasoo xulay ku jira qaar kamid ah Wasiiradii hore kuwaa oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo.

Qaar kamid ah Wasiiradii hore ayaana kasoo muuqan doona liiska golaha Wasiirada kuwaa oo isugu jira Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dowlayaal u badan Xildhibaano aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa meesha laga saaray wasiiradii sida weyn ugu dhawaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana boosaska wasiiradaasi lagu bedelay Xildhibaano iyo xubno kale oo aad ugu dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanada Wasiirada laga dhigay ayaa wararku sheegayaan in aad ugu dhaw yihiin Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo mar kale Madaxweynaha ka shaqeenayo sidii ay uga mid noqon lahaayeen Baarlamaanka si ay mar kale dib u doorashadiisa ugu ololeeyaan.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wararku sheegayaan in uusan talo badan ku laheyn magacaabista golaha Wasiirada cusub, waxaana inta badan magacyada xubnaha kamid noqonaya golaha Wasiirada looga soo yeeriyay Villa Soomaaliya.

- Advertisement -