Macalin Ardaydiisa tusay Sawir Gacmeed Caro dhaliyay oo la Gowracay (Sawirro)

Macalin Maadada Taariikhda ah ka dhigayay iskuul kuyaala magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ayaa xalay la gowracay, kadib markii lagu eedeeyay in ardaydiisa tusay sawir gacmeed uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu fuliyay wiil 18-sano jir ah oo ku dhashay dalka Ruushka, Wiilkan dilka geestay ayaana macalinka ku weeraray mindi kuna dilay, booliiska oo weerar ku qaaday guriga ninka dilka geestay ayaana markii dambe toogasho ku dilay.

Ciidamada booliiska Faransiiska ayaa xabsiga dhigay afar nin oo la sheegay in xiriir dhaw la lahaayeen ninka dilka u geestay macalinka ardaydiisa tusay sawir gacmeed muran badan dhaliyay uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay macalinka la dilay markii uu Sawir Gacmeedka muranka dhaliyay tusayay ardayda uu ka codsaday in fasalka ka baxaan ardayda Muslimiinta ah ee qeybta ka ahaa kuwii uu wax barayay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geestay macalinka iskuul, waxa uuna Madaxweynaha Weerarkaasi ku tilmaamay in uu ahaa mid argagaxiso.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Faransiiska in macalinka loo dilay cabirka xuriyatul qowlka sida uu tilmaamay, waxa uuna shacabka Faransiiska ugu baaqay midnimo iyo in ay meel uga soo wada horjeestay waxa uu ku tilmaamay argagaxisada.

- Advertisement -