Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa oo caawa gaaray Belad-xaawo

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa galabta ka degay Garoonka Dayuuradaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo

Waxaa Taliyaha ku wehliya safarkiisa Taliyaha Guutada 17aad ee Ciidamada Kumandooska Gorgor Gaashaanle Dayax, Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad ee Gobolka Gedo iyo saraakiil kale.

Taliyaha iyo ciidamo kale oo DF u dirtay gobolka Gedo ayaa caawa safar dhulka ku gaaray degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo halkaasoo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan xoogga dalka

Socdaalka taliyaha xoogga dalka iyo ciidamada cusub ee DF u dirtay Belad Xaawo ayaa ku soo aaday xili dhowaan dowlada Kenya ay qoraal digniin ah soo gaarsiisay DF kaasoo ay ku sheegtay iney weerari doonto ciidamada ku sugan xadka Belad-xaawo hadii halkaas ay mar kale shaqaaqo ka dhacdo, iyadoo labada ciidan ay dhowaan halkaas ku dhexmartay israsaaseyn muddo kooban socotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ku dhaw 500-qof oo ku geeriyootay Muqdisho iyo Sababta geeridooda oo loo maleenayo in…

Cabdi Cade

Qarax lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Ontario ee dalka Canada (Daawo Sawrro)

Caydiid Ali

Ciidamada Kumandoska ee Danab oo howlgalo ka wada degmo ka tirsan Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---