Weerar lagu laayey Saraakiil & ciidamo 10 ka badan oo caawa ka dhacay Afgooye

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan DF oo tiradoodu ka badan tahay 10 askari ayaa caawa lagu laayey duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ka dib markii gaadiid ay wateen jidka loo galay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka dhaqaaqeen degmada Afgooye caawa maqribkii iyagoo u gurmanaya ciidamo oo kale oo ka soo baxay degaanka War-maxan oo iyana ay wadada u galeen xoogaga Al-shabaab.

Ciidamada gurmadka ah ayaa lagu weeraray meel ku dhow tuulada Doonka oo ku dhow Afgooye, markii xoogaga Al-shabaab ay la beegsadeen gaadiidkooda gantaalaha garabka laga gano ee loo yaqaano Baasuukaha (RBG), waxaana halkaas ka qarxay dagaal aad culus oo labada dhinac dhexmaray.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan la gubay gaadiidkii ay wateen ciidamadaas iyagoo saaran oo wadada haya, waxaana saraakiisha lagu dilay weerarkaas ka mid ah Taliyihii ururka 54-aad, guutada 7-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Cabdulle Cali Mire iyo sarkaal kale.

Xoogagii Al-shabaab ee weerarkaas fuliyey intooda badan ayaa iyana lagu dilay dagaalka sida ay sheegeen saraakiisha ciidanbka xoogga dalka.

Meydadka iyo dhaawacyada saraakiisha iyo ciidamada Xoogga dalka ee lagu laayey weerarka ka dhacay nawaaxiga degmada Afgooye ayaa caawa la soo gaarsiiyey goobaha caafimaadka ee magaalada Miqdisho.

Al-Shabaab oo war  ay soo saartay ku sheegtay in weerarkaas ay ka dambeeyeen kuna dileen 25 askar iyo saraakiil isugu jiray, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo sheegashadaas xaqiijinaya ama beeninaya, waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa goobihii lagu dagaalamay caawa ee duleedka degmada Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -