Deni oo diiday in uu saxiixo labo kamid ah Qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

Waxaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay shirkii golaha wadatashiga Qaranka Soomaaliya u socday, waxaana shirka laga soo saaray ilaa shan qodob oo si weyn loo lafa guray.

Shirka ayaa intii uu socday madaxda maamulada qaar isku mari waayeen qaar kamid ah qodobadii looga arrinsanayay, waxaana gabogabadii shirka laga soo saaray shan qodob oo labo kamid ah diiday Puntland.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa diiday labo kamid ah qodabadii shirka looga hadlayay, hasa ahaatee markii looga codbadiyay ayaa labadaasi qodob lagu soo daray war-murtiyeedka, iyadoona lagu cadeeyay in Puntland diiday oo kaliya.

Qodobada uu madaxweyne Deni diiday in uu saxiixo ayaa kala ahaa: hannaanka fedaraalaynta garsoorka oo madaxdii kale shirka qeybta ka aheyd isku raaceen in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale diiday in uu saxiixo astaynta awoodaha heerarka dowladda ee kala ah:  awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

Maamulka Puntlanad ayaa raali ka ahaa saddex qodob kale ee qeybta ka ahaa shantii qodob ee kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran, waxaana Madaxweyne Deni noqday ninka kaliya ee diiday in uu saxiixo qodobada qaar ee shirka kasoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -