Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidamada amaanka DF ayaa saaka ku dilay magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Liiban Abeesow.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho ka dib markii muran uu soo kala dhex galay askarigan iyo wiilka dhalinyarada oo ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysta mooto labo lugooleyda (Fekon) sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo daqiiqado ka dib ay halkaas gaareen ciidamada amaanka DF oo baaritaano kooban sameeyey.

Dilalka noocan ah ee ciidamada dowladu kula kacaan dadka shacabka ah ayaa had iyo jeer ka dhaca magaalada Muqdisho iyo degaanada kale ee ay ku sugan yihiin ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Asluubta oo Muqdisho ka aruuriyay Caruur Darbi jiif ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas kana bilaabaya abaabul Dagaal

Cabdi Cade

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo isku day dil ka badbaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---