Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Asluubta oo Muqdisho ka aruuriyay Caruur Darbi jiif ah (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan Asluubta Soomaaliya ayaa maanta qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxa ay ka aruuriyeen caruur iyo dhalinyaro darbi jiif ah kuwaa oo ku dhibaateesnaa wadooyinka iyo goobaha qashin qubka ah.

Ciidamada Asluubta ayaa si gaar ah dhalinyaradan darbi jiifka ah maanta uga aruuriyay Suuqa Degmada Xamar Weyne  iyo Isgoyska Umbolotooriyo Celgaabta oo kamid ah goobaha ay dhalinyaradan joogaan.

Howlgalka ciidamada Asluubta ku aruurinayeen caruurta darbi jiifka ah ayaa lagu qabtay 25-kamid ahaa dhalinta darbi jiifka ah, waxaana loo qaaday xarun loogu tala galay in lagu xanaaneeyo sidoo kale lagu dhaqan celiyo.

Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda waxaa jooga caruur iyo dhaliynaro badan oo darbi jiif ah oo ku tacdareesan wadooyinka, mana jirto cid si gaar ah caruurtaasi isugu howshay in ay u gar gaaraan kana wadaan wadooyin si ay u helaan dhaqan celin iyo nolol wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Magacyada xubnaha DF & G/Banaadir ku metelaya guddiga farsamada doorashada

Caydiid Ali

Bal Adba ii Sheeg Waxa dalka Jabuuti Lagu Qooshayo !!!

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw ansixisay Sharciga Dooraashooyinka iyo axsaabta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---