Soomaali badan oo lagu dilay ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada ayaa sheegaya in Soomaali badan halkaasi lagu dilay, kadib markii Ciidamada maamulka Oromada weerar xoogan ku qaadeen.

Sida aan Wararka ku helnay Soomaalida la dilay ayaa gaareysa 65- ruux, waxaana lagu dilay Tuulada Gadule oo hoos tagta degmada Darulow ee Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya.

Dadka Soomaalida waxaa dilay Ciidamada ismaamulka Oromada kuwaa oo la sheegay in ay ka careesnaayeen dad ay ka dileen Ciidamada Liyuu booliiska Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay weerarkan Soomaalida lagu dilay in uu dabo socdo weerar ay geesteen Ciidamada Liyuu booliis.

Waxa uu xusay Masuulkan in Ciidamada Liyuu booliiska ay dileen labo ruux oo Oromo ah mid kamid ahna yahay Askari, waxa uuna intaa raaciyay ehelada askariga oo dilka ka carooday in ay laayeen dad Soomaali ah oo kunoolaa deegaanka Gadue.

Rabshadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada kunool dalka Itoobiya ayaa marar badan soo noq noqday halkaas, waxaana hada jirta cabsi xoogan oo laga dareemayo xadka ay wadaagaan Maamulada Oromada iyo kan Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -