Xildhibaan Shaaciyay in Somalia loo qorayo Maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood u shaqeystayal !!

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Qoraal uu bartiisa Facebooka ku baahiyay ku sheegay in lakala dirayo Ciidanka Qalabka sida ee Soomaalia lana qoroyao Ciidamo Calooshood u shaqeestayaal iyo Maleeshiyo Beeleedyo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Mahad Salaad

Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!

8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii 12 April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka mas’uulka ah amniga Banaadir iyo labada Shabeele (Shabeeleda Dhaxe iyo Shabeelada Hoose) dowlada Mareykanka ka jartay lacagtii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya. 14kii bishaana waxaa qoray Reuters oo xaqiijisay arintii aan ka hadlay asbuuc kahor.

Sababta mushaarka looga jaray ayay noo sheegeen saraakiil ajnabi ah oo diiday inaan magacooda soo xigano in baaris ay samaysay hay’ad Mareykan ah oo la shaqaysa Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka (Pentagon) bartamahii sanadkaan (June ilaa September 2017) lagu ogaaday in mushaarkii ciidamada la lunsaday, kadibna madaxda Dowlada Soomaaliya markii lagu qabsaday ay ku warbixiyeen in Ciidamada hada jira aysan noqon karin ciidamo qaran ayna u badan yihiin hal qabiil, muhiim na ay tahay in la kala diro, lana qoro ciidamo cusub iyaga oo raacayo qorshihii Amniga ee ay kala saxiixdeen Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada 16 April 2017.

Sidoo kale waxaan warbixinteyda ku sheegay dhalinyaro hada lagu xareynayo Xarunta Kuliyadda Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Mogadishu oo tiradooda lagu sheegay 1000 (kun) dhalinyaro ah oo laga soo aruurshay Gobolada Dalka qaar kamid ah, qoristoodana aan loo marin hanaankii ciidan qorista, lkn ay soo aruuriyeen Xildhibaano katirsan Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay Goboladaas, lana yiri waxay bilow u noqon doonaan ciidamada cusub ee Soomaaliya loo qorayo!

Sidoo kale deegaanada Puntland hada waxaa ku sugan Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Abdi Wali Gorad si uu usoo sharciyeeyo ciidamo laga soo aruuriyay deegaamada Puntland oo ku xareysan Saldhigii 54aad ee magaalada Garowe.

Sidoo kale safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Uganda 22 bishii October waxaa Madaxweynaha Uganda Yoweeri Museveni u balan qaaday Madaxweyne Farmaajo inuu siiyo ciidan dhan 5kun askari oo aan kamid noqonayn Ciidamada Amisom, lacagtooda iyo qalabkooda ay bixin doonto Dowlada Imaaraadka. Waxayna labada Madaxweyne isla garteen in maamulka iyo howlgelinta Ciidamadaas lagu wareejiyo Shirkad Mareykan oo la yiraahdo FRONTIER SERVICE GROUP xaruna ku leh Dalka Imaaraadka.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Soomaaliya waxay inoo xaqiijiyeen in safarkii ugu danbeeyay ee 20 November Madaxweyne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka uu heshiis qarsoodi la soo galay Erik Prince oo ah ninka madaxda ka ah shirkadaas. Prince wuxuu horay uga tirsanaan jirey ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Navy Seal isagoo sidoo kale aasaase ka ahaa shirkadii la oran jiray Blackwater ee ka howl geli jirtay dalka Ciraaq. Waxaana horay loogu eedeeyay in shirkadiisu danbiyo waaweyn oo bini-adamnimada ka baxsan ka geysatay dalka Ciraaq.

Heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Erik Prince waxa uu salka ku hayaa maamulka iyo howlgelinta ciidamada 5kun ah ee Uganda laga keeni doono iyo keenista ciidamo calooshood-ushaqeysteyaal (Mercenaries) ah oo sugi doona amniga caasimada iyo xaafiisyada dowlada.

Waxaa xusid mudan ciidamada ay maamulaan shirkadaha nuucaan oo kale ah waa ciidamo CALOOSHOOD-USHAQEYSTEYAAL (Mercenaries) ah oo la soo kiraysto ee ma ahan ciidamo dowlado ka yimaada, falalka ay geystaana mas’uuliyadeeda cid qaadata majirto mana jiro isla-xisaabtan iyo shuruuc caalami ah oo qabaneysa!

Qorshahaan lagu kala dirayo ciidamada hada jira laguna qorayo kuwa cusub iyo kuwa calooshood-ushaqeysteyaal ah (Mercenaries) ayaa soo bilowday bishii Maarso ee isla sanadkaan. Iyada oo shirar horudhac ah oo arintaan looga shaqeynayo lagu kala qabtay dalalka Kenya iyo Itoobiya, kadibna 16 April 2017 Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ku meelmariyeen shirkii gudiga Amniga Qaranka ee lagu qabtay magaalada Mogadishu.

Golaha shacabka ayaa go’aan kasoo saaray heshiiskaas 30 April 2017 isaga oo ku dhaliilay inuu horseed u noqon doono burburinta ciidamada qalabka sida ee hada jooga iyo qaabka cusub ee la rabo ciidamada cusub in loo qoro, lkn nasiib daro baaqaas Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahu waa iska indha tireen, kadibna 11 May 2017 ayay shirkii London kusoo bandhigeen qorshahaas sidaas ayayna ula qaateen dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya ciidamada.

Waxaan dhihi karnaa waa nasiib daro weyn in madaxdii aan dooranay sidaas u dhaqmaan! Mana aqbali karno in dadkeenii intii Shabaab qarax ku dilay maahane inta kale calooshood-ushaqeystayaal ajnabi ah loo soo kireysto si loo dabar gooyo!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.co
m

- Advertisement -