Tiicey oo dacwad kusoo oogaya Dowlada Biljamka si uu Magdhaw uga helo

Maxamed Aadan Tiicey oo afar sano iyo labo bilood ku xirnaa xabsi kuyaala dalka Biljamka ayaa dhawaan dib u helay xuriyadiisa, kadib markii lagu waayay dambiyadii kala duwanaa ee lagu soo eedeeyay.

Waxa uu sheegay Tiicey intii uu xirnaa in marar badan la isku dayay in dusha laga saaro dambiyo uusan laheyn, waxa uuna intaa raaciyay in ay fashilmeen dhamaan dambiyadii la doonayay in dusha laga saaro.

Tiicey ayaa xusay in dacwad kusoo oogayo Dowlada Biljamka uu si sharci daro ah ugu xirnaa afar sano ka badan, waxa uuna tilmaamay in dowlada Biljamka ka doonayo magdhaw si uu usoo celiyo dhaawacyadii sharaftiisa gaaray.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Tiicey ayaa dowlada Biljmka ku eedeesay in uu xiriir kala dhaxeeyay kooxaha Burcad badeeda gaar ahaan koox afduubatay Markab laga lahaa Biljamka.

Tiicey iyo Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo horey u shaaciyay in uu ka baxay Burcad badeeda ayaa lagu xiray dalka Biljamka kadib markii si shirqool ah dalkaasi lagu geeyay loona sheegay in ay qeyb ka noqonayaan filim Burcad badeeda laga sameenayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -