Isqabqabsigii ka jiray Xafiiska Raisul Wasaare Kheyre oo meel adag gaaray (Xog Muhiim ah)

Iyadoo Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre uu maalmahan ka jiray muran & isqabqabsi meel adag gaaray ayaa warar soo baxaya oo laga helayo ilo kalsoon yahay waxay sheegayaan in Xoghayihii KMG ahaa ee xafiiska Khayre Maxamed Keynaan uu qorsheynayo inuu xilka iska casilo.

Keynaan ayaa lagu eedeeyey inuu abuuray muran hareeyey xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ka dhashay xilal uu u magacabay shaqsiyaad uu watay isagoo aan cidina kala tashanin, isla markaana shaqada ka fariisiyey masuuliyiin markii hore oo lagu soo magacaabay digreeto Raisul Wasaare.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo si weyn uga carooday falka uu ku kacay Maxamed Keynaan ee xafiiskiisa Buuqa ka dhaliyey ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo talaabadii uu ka qaadi lahaa oo ay ka mid tahay inuu shaqada ka eryo.

 

Xoghayaha KMG ah ee xafiiska Khayre Maxamed Keynaan ayaa tan iyo markii ay soo shaac baxday fadeexadan loo diiday inuu galo Qolka uu fadhiisto Raisul Wasaaraha sida allbanaadir.com loo xaqiijiyey, waxaana Keynaan la soo sheegayaa in haatan uu qorsheynayo gudbinta warqadiisa iscasilaada ka hor inta aan lagu dhawaaqin xilka ka qaadista ku soo wajahan.

Wasiiro iyo xildhibaano ay isku heyb yihiin oo Max’ed Keynaan oo uu u qeylo dhaansaday ayaa ku fashilmay dedaalo ay ku doonayeen iney ku xaliyaan isqabqabsiga taagan.

Waxaa sidoo kale illaa hadda aan la kala saarin oo isku dhegan masuuliyiinta uu magacaabay Xoghaye Maxamed Keynaan iyo kuwii uu ku bedelay ee xilalkaas horey u hayey, iyadoo dhamaantood lagu wargeliyey ineysan wax shaqo ah qaban Karin inta laga xalinayo murankooda.

 

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -