Guddoomiye Cumar Shiikh Shafaana oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi ayaa sheegay inuu ka badbaaday iskuday dil oo isaga lagu qaarajin rabay ka dib weerar ka dhacay degmadaas.

Waxaa uu intaas ku daray in falkan ay ka dambeeyeen ciidamada milateriga Soomaaliya ee fariisinka ku leh degmada Baraawe.

“Ciidamada milateriga ayaa si ua kac ah rasaas ka badan 40 xabadood huwiyey gaarigayga oo marayey bar kontrol oo ciidamadaas ay joogeen” ayuu yiri gudoomiyaha.

Shafaana ayaa intaas ku daray in dhacdadan uu ku geeriyooday qof rayid ah iyo mid ka mid ahaa ilaaladiisa, ayna ku dhaawacmeen labo kale, isagoo xusay inuusan ogeyn sababta loo weeraray gaarigiisa

Taliyaha ciidamada milateriga ee ku sugan Baraawe  oo isna wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay in dhacdadan ay aheyd mid kama ah oo ku timid kala shaki, ayna ciidamada xoogga dalka xiligaas baadi goob ugu jireen gaari la sheegay in laga soo buuxiyey qaraxyo oo degmada la soo geliyey.

Waxaa uu intaas ku daray in gaariga gudoomiyaha oo xawaare sare ku socda uu afka u soo galay kontrolka ay joogeen ciidamada amaanka taasna ay sababtay in ciidamadu ka shakiyaan rasaas ooda kaga qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -