Sharci dano gaar ah laga leeyahay oo deg deg loo horgeynayo Baarlamanka Somalia (Akhriso Xog xasaasi ah oo la helay)

Xildhibaanada Golaha shacabka Qaranka ayaa lagu wadaa in si deg deg ah loo horgeeyo sharciga batroolka Somalia iyadoo arrintan ay gadaal ka riixayaan qaar ka mid ah madaxda sare ee dowlada oo dano gaar ah ka leh.

Sharcigan ayaa dhowr jeer oo hore dib loo dhigey tan iyo markii ay xilka qabatay Xukuumadda Raisal Wasaare Xasan Cali Khayre, iyadoo talaabadan ay ku soo beegantay xili guddoonka Baarlamanka Somalia isbedel lagu sameeyey, loona doortay gudddoon cusub oo taabacsan Siyaasada iyo fulinta danaha Madaxda dowlada.

Guddoonkii hore ee Baarlamaanka ayaa muddo dheer ka caga jiidayey meel marinta sharciga batroolka sababo la xiriira isagoo aaminsanaa inaan la joogin xiligii ku haboonaa maadaama hay’adaha dowladda ee dalka ka jira ay daciif yihiin, waxaana la rumeysan yahay in arintan ay qeyb ka aheyd sababihii soo dedejiyey mooshinkii xilka looga tuuray gudoonkii hore ee Baarlamanka, kaasoo qorshaha lagu abaabulay ay laheyd Xukuumada.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa horey u sheegay in sababaha mooshinka looga keenay ay ka mid aheyd isagoo madaxda sare ee dalka qaarkood ka diiday meel marinta arimo halis ku ah jiritaanka iyo qaranimada dalka, inkastoo uusan carabka ku dhufan.

Meel marinta sharciga batroolka ayuu qorshuhu yahay in looga faa’iideysto heshiis Qandaraas lagu siinayo shirkadda Soma Oil & Gas ee saldhigeedu yahay dalka UK, si ay shidaal soo saarid uga bilowdo afar ceel oo laga helay xeebaha Somalia.

Qandaraaskan la siinayo shirkadda Soma oil & Gas ayaa muddo badan u xayirnaa meel marin la’aanta sharciga batroolka oo Baarlamanka hor yaaley muddada dheer.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya qaarkood oo saamiyo ku leh shirkadda Soma Oil  Gas ayaa la sheegayaa iney dedaal xoog leh ugu jiraan dedejinta iyo meel marinta sharciga batroolka si shirkadan tartan la’aan loogu gacan geliyo qandaraaska batrool soo saarida.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan ayaa ka digay xiligan in la meel mariyo sharcigan iyagoo u sababeynaya jiritaan la’aanta heyaddo qaranku leeyahay oo ilaaliya shirkadaha shisheeye ee batroolka qodaya, si dhab ahna ula xisaabtama.

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -