Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo booqashadiisii ugu horeysay ku tegay meel ka baxsan Afrika

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tegay dalka Saudia Arabia tan iyo markii loo dhaariyey xilka Bishii Apriil.

Boqor Salman Bin Abdulaziz ayaa la sheegay in uu casuumaad u fidiyey, waxaana la filayaa in ra’isul Wasaare Abay Axmed uu kulamo la yeesho madaxda dalkaasi sacuudiga.

Dowladaha Itooobiya iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir mudo dheer soo jiray, waxaana ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed uu haatan doonayaa in uu sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Abiy Axmed ayaa safarkaan waxa uu noqonayaa kii ugu horeerey ee uu ku tago meel ka baxsan afrika, ka dib markii uu kasoo laabtay booqashadiisii dalka Kenya iyo Jabuuti oo ka sii horeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -