Muxuu Muuse Biixi ku soo arkay xarumaha Maamulka ee Magaalada Boorame? (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha dawladdu ku leedahay magaalada Boorama, isagoo xadhigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey gudaha magaalada gaar ahaan dooxa haye-yaabe, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, habeenimadii xalay kulamo la qaatay madax-dhaqameedka gobolka Awdal.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa kormeeray xafiiska badhasaabka gobolka Awdal, xafiiska wasaaradda Horumarinta maaliyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Boorama, waxaana uu halkaas ku soo dhaweeyey oo uu warbiximo kaga dhegaystay masuuliyiinta qaabilsan xafiisyadaas, kuwaasoo ka warramay halka ay shaqadu u marayso iyo qorsheyaashooda mustaqbalka, isagoo dhinaciisana madaxweynuhu ku adkeeyey inay sii laban-laabaan dedaalkooda, xil weynna iska saaraan gudashada waajibaadka saaran.

Kormeerka shaqo kaddib, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray Buundo cusub oo isku xidhaysa magaalada Boorama iyo xaafadda Haye-yaabe oo dhawaan la dhammaystiray, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa goobta xadhig-ka-jarista kusoo dhaweeyey bulshada ku dhaqan xaafadda Haye-yaabe.

Maayarka magaalada Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi oo hadallo kooban ka jeediyey madasha xadhig-ka-jarista Buundada cusub, ayaa hoosta ka xarriiqay inay cashuurtii ay ummadda ka qaadeen ku dhiseen buundada, islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay bulshadu uga bixi lahayd caqabadda dhinaca isu socodka ka haysatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si kooban uga hadlay xadhig-ka-jarista, ayaa bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha Buundada, isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay in meesha laga saaro caqabad kasta oo ku gedaaman bulshada deegaanka Haye-yaabe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -