Madaxweyne Farmaajo oo Magaalada Beijing kula kulmay dhigiisa Masar (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Shiinaha ayaa Magaalada Beijing ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Sisi.

Farmaajo iyo Alsisi ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac ee ganacsiga iyo maalgashiga sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdiga Madaxweynaha.

Labada madaxweyne ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee iskaashiga Afrika iyo shiinaha oo ka furmaha beri magaalada Beijing.

Farmaajo ayaa kulamo kala duwan oo gaar gaar ah la yeelanaya madaxda Afrika ee ka qeyb galaysa shirka ka furmaya dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -