Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u Dambeeyay dagaalkii Armenia iyo Azerbaijan iyo Xabad joojin lagu dhawaaqay

Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa heshiis xabad joojin ah ka gaaray dagaalkii maalmahan u dhaxeeyay, waxaana wali socda wadahadalo lagu doonayo in xal looga gaaro dagaalkan dhiiga badan ku daatay.

Xukuumada Moskow ayaa gacan ka geesatay in labada dal heshiis xabad joojin ah ka gaaraan dagaalka u dhaxeeyay ee ka socday gobolka Nagorno-Karabakh, waxaana dagaalka labada dal u dhaxeeyay noqday kii ugu xumaa mudo 25-sano ah.

Kahor xabad joojinta ay shalay gaareen labada dal ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa midbo midka kale ku eedeeyay in uu ka dambeeyay gantaalo culus oo lagu garaacay gobolka Nagorno-Karabakh, kahor inta uusan dhaqan gelin heshiiska xabad joojinta.

Wasiirradda arrimaha dibadda ee labada dal ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay mid la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo isku celinta kuwa ku dhintay dagaalka, iyagoo intaa ku daray in faahfaahinta gaarka ah dib looga heshiin doono.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalalka Azerbaijani iyo Armenia oo bilowday 27-kii September ayaa galaaftay nolosha  boqolaal qof, waxa uuna dagaalkan noqday kii ugu xumaa ee dhax mara labadaasi dal mudo 25-sano ah.

 

Related posts

Madaxtooyada oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Wafdiga Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rag ka ganacsanayey Maandooriyaha xashiishka oo gacanta lagu soo dhigay

Caydiid Ali

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---