Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiye Ibraahim Cumar Qaasim (Akhriso Wareegto)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka arimaha guddaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cumar Qaasim.

Sida aan wararka ku helnay xil ka qaadista Gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose , taa oo keentay in xilka si deg deg ah looga qaado Ibraahim Qaasim.

Wasiirka arimaha guddaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wareegtada uu soo saaray ku magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye oo loo magacaabay Aweys Cabdullahi Cumar.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin laga bixiyey Musiibo ku soo wajahan shan dal oo Afrikaan ah

Caydiid Ali

Siyaasi caan ka ah Soomaaliya oo ka digay halista ay leedahay isticmaalka Tiktok

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka jaray garoon Diyaaradeed oo la dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---