Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Rag ka ganacsanayey Maandooriyaha xashiishka oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay rag ka ganacsanayey maandooriyaha xashiishka loo yaqaano.

Raggan oo ka koobnaa labo nin ayaa laga soo qabtay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo sida ay sheegeen saraakiisha booliska magaaladaas.

Waxaa sido kale lala soo qabtay raggan dhowr kg oo ka mid ah xasshiishka ay ka ganacsanayeen, waxaana lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo.

Saraakiisha booliska Jubbaland ayaa sheegay iney ku daba jiraan kooxo kale oo ka ganacsada xashiishka maandooriyaha, iyagoo xusay in labada nin ay sharciga horgeyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Doorashooyin natiijadooda la sii ogyahay oo ka socda Muqdisho iyo Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Caan ah oo loo diiday in ay ka cunteeso Maqaayad iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Aktarad caan ah oo Dhawwaan qaadatay Diinta Islamka oo Sannadkan Xajineysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---