Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey dagaal ka qarxay degaanka Galcad

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo duhurnimadii maanta ka qarxay Tuulada Galcad ee Gobolka Hiiraan ee u dhaxaysa Degaanada Aboorey iyo Halgan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidanka Deegaanka iyo dagaalameyaasha Al shabaab kaasi oo sababay khasaara xooggan.

Dadka Deegaanka oo ayaa sheegay in goob ay isku uruursanayeen al shabaab la ogaaday kaddibna ay weerar ku qaadeen Ciidanka Deegaanka ee Hiiraan.

Dagaalka ayaa Soconaya Saacado maadaama uu Salaaddii Duhur ka dib bilowday rasaas culus iyo qaraxyo ayaana la maqlayaa, iyadoo khasaaraha ka dhashay dagaalkan aan weli la ogeyn.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidamadda lugta ee Xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Khaalid Cabdullaahi Sheekh Cumar Sahal iyo Saraakiil kale oo ciidan ayaa gaaray furumaha hore ee dagaalka ka dhanka Kooxda Al-shabaab  gaar ahaan degmadda Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Jen. Khaalid Cabdullaahi Sheekh Cumar Sahal, ayaa waxa uu horudhac u yahay wafdi ballaaran oo la filayo in ay dhawaan soo gaaraan degmadda Moqokori ee Gobalka Hiiraan.

Related posts

Mareykanka oo meel mariyay sharci sababi kara in dalkaasi laga mamnuuco Tiktok

Cabdi Cade

Tuugo Koronto ku dishay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo la isku keenay iyo Kulan hada uga socda Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---