Hayadda Save the Children oo soo saartay digniin dad badan ka yaabisay

Hayadda arrimaha carruurta ee Save the Children, ayaa ka digtay in tallaabooyinka lagu xakameynayo Coronavirus ay horseedi karaan kororka guurka gabdhaha yaryar meelo badan oo ka tirsan caalamka.

War ay soo saartay  hay`addu ayaa waxay ku sheegtay in dhaqaalo xumida ka dhalatay xanuunkan safmarka ah ay dad badan ku qasbeen saboolnimo, iyadoo gabdhuhu ay iskuulka isaga tageen iyagoo ku qasbanaaday inay shaqeeyaan amaba guursadaan.

Ilaa 12 milyan oo gabdho da`yar ah ayaa sanad walba la guursadaa, balse kuwo kale oo badan ayaa khatar ugu jira ayay sheegtay hayaddu.

Gabdhaha ku nool koofurta Aasiya ayaa ah kuwa ugu nugul, waxaana soo raaca qeybo ka tirsan Afrika, Latin America iyo Caribbean-ka, waxaana digniinta ay soo saartay heyaddan ay ka yaabisay dad badan oo isweydiinaya xiriirka ka dhexeyn kara Coronavirus iyo guurka gabdhaha yar yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -