Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kiiska dilkii loo geystay Marxuum Axmed dowlo oo dad cusub loo soo xiray

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Saddex qof oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen dadkii gubay, sidoo kalena dilay Marxuum Axmed Dowlo ayaa la soo qabtay, iyagoo ku biiray dad dilkaas ka qeyb qaatay oo horey u xirnaa

Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Booliska degmadaasi oo iskaashaday ayaa suurageliyay inay gacanta ku soo dhigaan Saddex qof oo la dhigay xabsiga.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebooka ku xaqiijiyay soo qabashada dadkan.

“Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Booliska waxey ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo, waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada, waqtigii damiile baxsan jirey ay shacabka ku dhex dhuuman jireen wey dhamaatay.” ayuu yiri Yariisow.

Axmed Dowlo oo ka soo jeeda beelaha laga tiradda badan yahay loo dilay arrimo la xiriira heyb sooc guur, kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu jeclaaday gabar ay deris ahaayeen, taasoo ka soo horjeesteen reerka gabadha oo ka soo jeeday beelaha awooda ku leh Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ku qornaa warqad uu Madaxweyne Xaaf u soo dhiibay guddigii Aqalka sare?

Caydiid Ali

Cad dheemanka Buluuga ah oo lagu kala iibsaday lacag Waali ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dood cilmiyeed lagu qabtay Machadka Diblomasiyadda & Tababarada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---