Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Maraykanka iyo xaaskiisa oo laga helay cudurka Covid-19

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay cudurka Covid-19 oo weli faro kulul ku haya meelo ka mid ah caalamka.

Trump ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo ah Marwada Koowaad ee dalkaasi laga helay cudurka, ayna bilaabeen inay iskarantiilaan sidoo kalana ay mari doonaan habkii ay cudurkaasi uga soo kaban lahaayeen.

Mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump haweeneyda la yiraahdo Ms Hope Hicks ayaa laga helay cudurka Covid-19.

Waxay Madaxweynaha la raacday diyaaradda Air Force One taas oo uu todobaadkan ku tagay gobolka Minnesota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sagaal kamid ah Taliyaasha Saldhigyada Muqdisho oo la bedelay (Akhriso)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Wiil Soomaali ah noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ka qaata shahaadada PhD-ga jaamacad ku taala dalka…

Cabdi Cade

Jubbaland oo kahor timid go’aankii Baarlamaanka eedeynta u jeedisay DFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---