Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah kusoo gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Galkacyo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Maamulka iyo shacabweynaha Degmadda iyo Xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nur.

Related posts

Musharaxiin si adag uga hor yimid in Doorashada Kursigii loo diiday Fahad Yaasiin loo soo wareejiyo Muqdisho

Cabdi Cade

Musharaxiinta Guddoonka Aqalka sare oo Maanta khudbadahooda jeedinaya (Jadwalka)

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray weerarkii caawa ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---