Maamulka Puntland oo war ka soo saaray weerarkii caawa ka dhacay Gaalkacyo

WAR-SAXAAFADEED

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Xildhibaan ka tirsan BJFS Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Waxa uu ka xunyahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,  Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii  ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama u rajaynayaa iyo in alle u booga dhayo Saraakiishii, Shacabkii iyo Askartii ku dhaawacantay Falkasi.

Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo u yimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo

Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

- Advertisement -