Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin si adag uga hor yimid in Doorashada Kursigii loo diiday Fahad Yaasiin loo soo wareejiyo Muqdisho

Guddiga doorashada kuraasta ka bannaan golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaaciyay in doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP086 loo soo wareejiyay doorashadiisa Muqdisho.

Kursigan oo markii hore deegaan doorashadiisa aheyd magaalada Baladweyne ayey guddiga usoo wareejiyeen Muqdisho, waxa ayna guddiga soo saareen habraaca loo marayo doorashada kursigsn.

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan doorashada kursigan ayaa si adag uga hor yimid in doorashada laga wareejiyo Muqdisho, waxa ayna sheegeen in aan arrintan lagala tashan ayna wataan dad gaar ah.

War saxaafadeed ay soo saareen musharaxiinta ayey ku dalbadeen in doorashada kursigan la waafajiyo hab-raacii hore loona qabto doorashada si caddaalad ah oo lagu qanci karo.

Related posts

James Ibori oo lagu amray in uu bixiyo lacag gaareysa $130 milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Madaxweyne Ciro oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc weyn

Caydiid Ali

Dhiig Siyaasadeed cusub oo ku Daadanaya Dalka Colaaduhu halakeeueeYemen !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---